Merseyside Fire & Rescue Service

Home | Contact Us

   

Our Mission: Safer Stronger Communities - Safe Effective Firefighters. English Home Fire Safety Check Page Arabic Home Fire Safety Check Page Bengali Home Fire Safety Check Page Chinese Home Fire Safety Check Page Somali Home Fire Safety Check Page

Bilingual Community Team


Aan Ka Wada Shaqeyno Mustaqbal Ammaan Ah


Image of Sagal, Somali Advocate Gubashadu, waa dhacdo burbur iyo dhaawac weyn u keenta nolosha cid weliba, waxaana xaqiiqo ah in la baajin karo gubashooyinka iyo dhaawacyada la xidhiidha intooda badan.

Adeegga ka hortagga gubashada iyo dab deminta waxay dhigteen kuna talo jiraan mashruuc hammad iyo yididiilo weyn ay doonayaan in ay ku yareeyaan tirada guryaha gubta, dhaawacyada iyo dhimashada dadka. Waxay yareyntaa ku gaadhayaan iyagoo sameyn doona qiimeyn ku saabsan halista dabka ee guryaha oo ay ku sameynayaan bilaash. Waxay kaloo ku xidhayaan guri waliba oo ku yaal Merseyside qalabka ka dhawaaqa qiiqa iyagoo aan wax lacag ah kaa qaadin. Ilaa iyo haatan, waxa keliya oo aan awood u yeelanay in aan ku bixinno adeegyadayada ammaanka dabka luqadda ingiriisiga ah (iyo mararka qaarkood luqadda tilmaanta-British sign language). Kooxdayada Turjubaannada waxay kuula diyaar yihiin adeegyadayada iyagoo isticmaalaya luqadaha Carabiga, Shiinaha iyo Soomaaliga. Waxaa codsi lagu heli karaa qof dumar ah in ay bixiso adeegga.

Qiimeynta Halista Dabka ee Guriga waxay ku imman kartaa codsigaada oo qudha waxaana lagugu soo booqanayaa gurigaada waqti kugu habboon. Booqashadu waxay ku siinaysaa fursad aad ku weydiin karto wixii su'aalo ah ee la xidhiidha dabka iyo adeegyada dab-deminta. Annagana waxay na siinaysaa fursad aan ku eegno gurigaada, qiimeynana wixii halis ah ee ka imman kara dabka, kuguna siinno talooyin sidii aad gurigaada ammaan uga dhigi lahayd, kuna xidhno qalabka qiiqa ka dhawaaqa oo bilaash ah. Ma daakhilayno arrimahaada gudaha ama noloshaada gaarka kuu ah, waxa keliya oo aan doonaynaa waa ka hortagga dab inuu wax ku yeelo. Booqashada waxay qaadanaysaa 20 midhidh qiyaastii.
Image of Essie, our Chinese Advocate
DHAMMAAN SHAQAALAHA ADEGYADA DAB-DEMINTA WAXAY SITAAN AQOONSI MARKAA WEYDDII INAAD EEGTO INTAANAD GURIGAADA U OGGOLAAN.

Image of our bilingual advocatesTalo bixinta Ammaanka dabka Cid waliba ee dadweynaha ka mid ah ayaa codsan kara talo bixin ku saabsan ka hortagga dabka ama gubashada, iyadoo la isticmaalayo hababka hoos ku taxan. Mar waliba taladayada waxay kaafinaysaa hadba cidda u baahan - laga bilaabo carruurta yaryar oo u baahan in ay ogaadaan in ay kibriidka iyo kan sigaarka lagu shito khatar yihiin -ilaa dadka waayeelka ah oo laga yaabo inaanay ogeyn khatarta isticmaalka bustaha leetiriigga ku shaqeeya ama kuwa leh baahida gaarka ah ama kuwa doonaya inay ka shaqeeyaan adeegga dab-deminta.

"Min dhalinyaro ilaa waayeel aladayada waa mid saaxiibtinimo, wazqabad leh bilaashna ah."

Barnaamijka Tarbiyadda Carruurta ee Wacyi-gelinta dab-deminta. Waa barnaamij mid la mida aan hore loo sameyn, ujeeddadiisuna tahay in la tarbiyeeyo carruurta dabka ku ciyaarta. Waxaa loogu talo galay 4-12 jirrada qoyskuna wuu ka qayb qaadanayaa. Casharrada waxaa lagu qabanayaa guriga waxaana bixinaya shaqaale loo tababaray oo khaas ah. Waxaa aad loo dhowrayaa arrinku in uu ahaado qarsoodi.

Suzanne Hazza (Arabic), Wai Ying Ng (Shiinees) iyo Sagal Jama (Somali) ama ciddii kale ee ka tirsan kooxda ayaad ula xidhiidgi kartaa sidan:

Telefoon U DIYAAR AH*: 0800 953 0673
(dadka aan luqadda ingiriisiga ku hadlin)
image of our advocate nazma with member of the community
Click for Somalian language page 07813-291-566
Xafiiska*: 0151-296-6270
Fax:
Email: communityteam@merseyfire.gov.uk
MF&RS Freephone Number: 0800-731-5958
MF&RS Freepost Address: Merseyside Fire & Rescue Service,
Community Fire Safety,
FREEPOST NAT3926,
BOOTLE,
L30 4BR.
Community Safety Team Address: Liverpool City Community Fire Station,
24 St Anne Street ,
Liverpool,
L3 3DS.
Page Top